Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dalka...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dalka Qatar

SHARE

Muqdisho (SONNA)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Maxamuud Al Qasaal iyo Saraakiil ka socotay  Taliska Milatariga Dalka Qatar.

kulanka ayaa looga Hadlay Xariirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo  Iskaashi  Xariir u dhax Mari lahaa  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  iyo Ciidanka Dalka Qatar.

General Maxamuud Al Qasaal ayaa Tilmaamay in Qatar ay Soomaaliya ka Caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya.

LEAVE A REPLY