Dalxiisayaal Ajaanib ah oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay dalka...

Dalxiisayaal Ajaanib ah oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay dalka Cuba

SHARE

Cuba(SONNA) Shil gaari oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay bariga Dalka Cuba,sida ay ku waramayaan warbaahinta k ahowlgasha dalkaasi,waxaana kujira dalxiisayaal ajaanib ahaa o dalkaasi ku sugnaa.

Sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ah ee dalka Cuba shil gaari oo ka dhacay Bariga dalkaas ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan toddobo qof, oo ay kujiraan afar ajaanib ah, halka tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Int ala ogyahay 7 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii uu la rogmaday gaari ay la socdeen oo uu xakameyn wayaay darawalkiia waday sida ay sheegayana dad goob joogayaal ahaa,sida ay sheegayaan warbahinta dalxiisayaasha ajaanibta ah aya aisugu jira 2 Argentin,mid Faransiis ah halka mid kalena uu u dhashay Jarmalka

Sidoo kale dad gaaraya ilaa  33 ruux ayaa dhaawac uu ka soo gaaray shilkaasi gaari,waxaana la sheegayaa in ay kujiraan muwaadiniin u kala dhashey wadamada Britain,Maraykanka,Canada, faransiiska, Holand iyo Dalka Spain,kuwaasi oo dalxiis ahaan u joogay dalkaasi Cuba ee dhacay Waqooyiga America,waxaana gaarigaasi saarnayd 40 qof oo 22 kamid ah ay ahaayeen dad ajaanib ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Gaari Bus ah oo ay saarnaayeen dadkaasi shil ku galaya meel u dhow magaalada lagu magacaabo Guantánamo,waxaana la sheegay in uu ka shaqeynayay int au dhexeysa magaalooyinka,Baracoa iyo caasimadda dalkaasi Cubba ee Havana,

Qaar kamid ah dadka dhaawacyada qaba ayaa la sheegayaa in xaaladoodi ay aad u liidato,dadka waxyeelada soo gaartay uma badna muwaadiniinta dalkaasi u dhalatay.

Dalkaasi Cuba ayaa int Abadan can ku ah shilalka,waxaana jira liis ku saabsan shilalkii dalkaasi ka dhacay ilaa 2012kii in ay gaarayso 4,400 oo dhimasho ah, sida ay sheegayaan warbaahint adalkaasi oo soo xiganaya macluumaad laga heley hay’adaha amniga dalkaasi Cuba.

 

LEAVE A REPLY