Senetarada Maraykanka oo mar kale ka doodaya meel marinta miisaaniyadda Dowladda

Senetarada Maraykanka oo mar kale ka doodaya meel marinta miisaaniyadda Dowladda

SHARE

USA-(SONNA)-Senetarrada Dalka Mareykanka ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah ay ka hadlaan rajada laga qabo in la gaaro heshiis ay waaxyaha Dowladda ku qabsan karaan howlohooda hor dhammaadka fasaxa Todobaadka.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysey, ka dib kolkii Mr.Trump uu ku guuldareystay in loo ansixiyo lagago gaaraya $5bn oo uu doonayay in uu ku dhiso derbi ku teetsan xadka Mareykanka, taas oo ay ka soo horjeesteen xubnaha xisbiga Dimoqraadiga.

Diidmada go’aanka Madaxweynaha ayaa saameysay qeyb ahaan miisaaniyaddii lagu socodsiin lahaa waaxyaha Dowladda, sida Amniga Gudaha, Xamuulka, Beeraha , Caddaaladda, Goobaha Dalxiiska iyo kuwo kale.

Mr Trump,si uu u saxiixo heshiiska dhaqaalaha ama miisaaniyadda lagu socodsiinayo  waaxyaha Dowladda,waxa uu ku adkeystay in loo fasaxo $5bn oo uu u adeegsado dhismaha derbiga xadka eek ala qaybiya Maraykanka iyo Mexico.

W/ Tarjumay; Shire

LEAVE A REPLY