Aabbe Gabdhahiisa dilay oo kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Kenya

Aabbe Gabdhahiisa dilay oo kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Kenya

SHARE

Mombasa-Kenya-(SONNA)- Waxaa Maanta oo Jimca ah Maxkamadda degaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa, kasoo muuqday, John Maina Wang’ombe, oo Shalayto dilay Laba Gabdhood oo uu isaga dhalay.

John Maina Wang’ombe, ayaa mar keliya cadaadis uu kaga sameeyay Luqunta iyo Xabadka qudha kaga jaray, Angel Wanja iyo  Grace Wangui, oo da’dooda lagu kala sheegay Lix jir iyo Afar jir, xilli uu sarqaansanaa.

Xilliga uu shilkan dhacayay ayaa la sheegayaa in Hooyadood ay ku maqnayd  shaqo, markaas oo uu Gabdhaha u sheegay inuu siinayo Cambe, balse markii dambe ku dilay Guriga dhexdiisa, sida ay Jariiradda Daily Nation u xaqiijiyeen Dadka deriska la ahaa Mr, Wang’ombe.

John Maina Wang’ombe, oo qirtay inuu isagu dilay Gabdhihiisa, ayaa ku qeyliyay ereyo qoomamo iyo caro leh oo uu ka dhex sheegay Maxkamadda dhexdeeda, wuxuna sidoo kale caddeeyay inuu Qamri Cabsanaa xilligaasi.

“Waa run in aan Gabdhaheyga laayay, waan sarkhaamay , waanan garwaaqsaday dembiga aan galay, ayuu yiri, John Maina Wang’ombe.

Garsooraha Maxkamadda, Diana Mochache, ayaa ammartay in dambiilahan Xabsiga lagu hayo muddo Todobaad ah, si loo hubiyo xaaladdiisa loona dhammaystiro kiiskan uu Gabdhaha ku laayay.

LEAVE A REPLY