Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu...

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

SHARE

Sudan (SONNA) Munaasabaddan oo si wada jir ah u soo agaasimeen Midowga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo waliba Golaha Ururka Ardayda Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Diblomaasiinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Dalka, Waalidiin iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

 

Munaasabaddan oo ujeedkeedu aheyd soo dhaweyn iyo shaado qeybin, 124 arday oo sanadkan deeq waxbarasho ka heshay Dalkan Suudaan, ayaa qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ardayda kula dar daarmay in ay ka faa’iideestaan fursada ay heleen una dhabar adeegaan Waxbarashada.

Lataliyaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya Mudane Cismaaciil Yuusuf Cusmaan oo 124-ka Arday  ku wehlinayay Safarkooda Suudaan, ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho, asigoona Mahadcelin balaaran ujeediyay madaxda Safaaradda iyo Ururka Ardayda soo dhaweynta ay u sameyeen Ardayda Cusub.

Dhanka  kale Uqeybsanaha Waxbarashada ee Safaaradda Nasro Axmed Maxamed ayaa sheegtay inay ka go’antahay Wasaaradda Waxbarashada kor uqaadista Tacliinta ardayda Soomaaliyeed, iyadoo  ardeyda kula dardaarmatay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u ilaali lahaayeen sharciga Dalkan Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa uu ka mid yahay Dalalka Soomaaliya gacan weyn ka geysta dhanka Waxbarashada, iyadoo Sanad walba ay soo Suudaan soo gaaraan tiro arday ah oo Deeq Waxbarsho ka hesha.

Yuusuf kashmiir (Sudan)

LEAVE A REPLY