Safarka Madaxweynaha waa mid muhiimaddiisa leh.

Safarka Madaxweynaha waa mid muhiimaddiisa leh.

SHARE

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed ayaa dhawaan safarro ku soo kala bixiyay dhowr Wadan oo ay ka mid ahaayeen Talyaaniga, Turkiga, Ugaandha iyo Kenya, kuwaasi oo uu halkaasi kulmay Masuuliyiinta Dalkaasi iyo qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed eek u dhaqan Dalalkaasi, waxaana kulamadaasi ka soo baxay natiijooyin aad u ballaaran, islmarkaana muhiimaddooda lahaa.

Safarada Madaxweynaha oo uu ku kala bixiyay dhowrkaasi Dal, waxa uu ugu horeyntii uu ka bilaabay Dalka Talyaaniga oo ah Dal horray u soo gumeystay Soomaaliya meelo ka mid ah sida Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana xiriir qoto dheer la leh Dalkeenna, wuxuuna Magaalada Roma ee Dalka Talyaanmiga kula kulmay Madaxda ugu sarreysa oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha, Raiisul-wasaaraha iyo Guddoomiyayaasha 2-da Aqalka ee Dalkaasi, iyagoo isla soo qaaday sii xoogeynta Xiriirkaasi u dhaxeeya labadaasi Dal, ugu dambeyntiina waa la isku afgartay waxyaabihii la isla soo qaaday.

Kadib Madaxweyne farmaajo iyo wafdigiisa waxay Roma kaga sii boqooleen Magaalada Istambuul ee Carriga Turkiga, wuxuuna halkaasi kula kulmay Saaxiibka Soomaaliya Mudane Rajib Rayib Erdogan Madaxeynaha Dalka Turkiga, waxayna isla soo qaadeen sii xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya 2-daasi Dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, islamarkaana loo sii dhaqaajin lahaa Mashariicda ay Dowlada Turkigu ay ka hirgalin laheyd Soomaaliya, gaar ahaan kumunaan Guryo oo laga dhisayo Magaalada Muqdisho oo horrey loo ballanqaaday.

Madaxweynaha JFS meelaha kale ee uu safarkiisa ku tagey waxaa ka mid ahaa Dalalka Uganda iyo Kenya, isagoo kula Madaxweyanayaaasha Dalkaasi, sodoo kale waxuu Nairobi kaga qeybgalay shir looga hadlayay Arrimaha Dhaqaalaha Badaha, kaasi oo muhiimad ballaaran u leh Dalkeena Soomaaliya , wuxuuna khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha, isagoo sheegay in ay muhiim u tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

“Marka hore, aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku bogaadiyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah ee ujeedkiisu yahay soo bandhigidda fursadaha tirada badan ee dhaqaalaha badda, iyada oo haddana la dhawrayo biyaheenna si ay uga faa’idaystaan jiilasha soo socda mustaqbalka, Soomaaliya waxaa suuragal u ah inay inta ugu badan ka faa’iddo dhaqaalaha badda ah si xooggan oo isla markaana waara”, Ayuu yiri Mudane farmaajo.

Soomaaliya waa waddan leh muhiimad istaraatijiyadeed, waxayna leedahay xeeb dhererkeedu yahay in ka badan 3,300 km oo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika, kana mid ah kuwa ugu wax soosaarka badan gobolka, fursad weynna u ah Warshadaha iyo maalgashiyada la xiriira xeebaha, islamarkaan waxaannu leennahay kayd khayraad oo aan la taaban sida kalluunka, saliidda iyo gaaska badda, macdanta iyo khayraadka kale ee badda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Maamulkoodu uu garawsan yahay in khayraadkan baaxadda weyn ee aan weli la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqala’aanta, islmarkaana ay dejiyeen dejinayaan istaraatijiyad ballaaran si looga faa’idaysto dhaqaalaha badda ku salaysan, islmarkaana la dhawrayo deegaanka.

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa ku hawlan sidii ay sameyn lahayd iskaashiyo lagu abuurayo, laguna horumarinayo dekedahayaga istaraatijiga ah, sare loogu qaadayo isu socodka gaadiidka badda, cuntada badda, beerashada badda, sifaynta biyaha badda iyo guud ahaan horumarinta macdanta badda. Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa sidoo kale u xilsaaran horumarinta khayraadka badda.

“Mar haddiiba aanu ka hadlayno abuuridda dhaqaale badda ah oo waara, iyo baahida loo qabo maalgashi iyo warshado, waxa lagama maarmaan ah inaanu marka kowaad ka hadalno dhaqdhaqaaqyada aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaheenna. Caqabadaha ugu badan ee saamaynta ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo. Waxaan rajaynayaa in qodobada ka soo baxaya shirkan uu qayb ka ahaadaan in la iska kaashado xakamaynta dhammaan hawlaha aan sharciga ahayn ee ka socda xeebaha”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Maamulkaygu waxa uu sii wadi doonaa inuu abuuro iskaashiyo caalami ah si loo xalliyo arrimahan. Waxaan aaminsannahay in haddii la helo daahfurnaan iyo iskaashi sarreeya, lagana faa’idaysto horumarka dhanka teknaloojiyadda iyo awoodaha satalaytka, aynu awood u yeelan doonno hakinta dhaqdhaqaaqyadan”.

Maweyne Farmaajo ayaa ballan qaaday inuu xoojinayno dowladnimada, sare u qaadaynaa iskaashiga dhinaca amniga si loo helo xasillooni, oo ay kamid tahay in la helo badweyn iyo xeebo nabad ah, sidoo kalena, ay ka shaqayndoonaan xoojinno adkaygsiga dadka si loo yareeyo saamaynta xun ee isbeddelka cimilada iyo abaaraha joogtada ah, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiyada iyo maalgashiyada la xiriira khayraadka baddeenna hodonka ah.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobe waxa uu kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, wuxuuna uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xilligan , horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Haddaba maadaama uu Madaxweynuhu uu dalalkaasi u tagey arrimaha dhowr ah, waxaa xaqiiqi ah in Safaradaasi ay muhiim u tahay danta Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, marka waxaan dhihi karnaa Safarka Madaxweynaha waa mid muhiimaddiisa leh.

W.D: C/lahi Ruush

LEAVE A REPLY