Xukuumaadda Syria iyo Mucaaradka Dalkaasi oo isweydaarsaday maxaabiiis

Xukuumaadda Syria iyo Mucaaradka Dalkaasi oo isweydaarsaday maxaabiiis

SHARE

Muqdisho(SONNAS)ONNA) Xukuumadda dalka Syrian iyo kooxaha falaagada ayaa Woqooyiga dalkaasi  isku weydaarsaday dad maxaabiis ah oo ay kala heysteen,sida uu ku waramay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkiga .

Dadaalkaan oo bilwday shalay waa kii ugu horeeyay ee lagu dhisayo ama lagu raadinaayo kalsooni u dhexeeysa dhinacyada isku haya dalka Syrian ee ay hareeyeen dagaalada sokeeye,waana mashruuc tijaabo ah oo ay wadaan dalalka Turkey, Russia, Iran iyo Qaramada Midoobay,kaas oo lpoga gol leeyahay in lagu baadi goobo dadka maqan iyo kuwa ay kala heystaan .

Ma cadda tirada dadka la is-dhaafsaday,hasa yeeshee kooxo u dhaq-dhaqaaqa Xuquuqul Insaanka oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in kooxaha fallaagada ay dhiibeen 10-ruux,halka Dowladda Syrian ay iyaguna bixiyeen caddad la mid ah .

Wakaaladda Wararka ee dalkaasi Syria oo lagu magacaabo SANA ayaa sheegtay in sagaal rag ah iyo qof haween ah laga sii daayey kooxo hubeysan oo ku heystay magaalada baadiyaha ah ee Aleppo

LEAVE A REPLY