Al-shabaab waa cadow,waana loogu gali doonaa God kasta oo ay isku qariyaan

Al-shabaab waa cadow,waana loogu gali doonaa God kasta oo ay isku qariyaan

SHARE

Tan iyo markii ay Dalka Soomaaliya ka unkameen Kooxda Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxay Saldhigyo waaweyn ka sameeysteen, islmarkaana ukumo dhigteen Deegaanada ku teedsan Koonfurta Soomaaliya. Taasi ka dib Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ayaa markaasi ka bilaabay duqeymo weeraro loo geysanayo Horjoogayaasha iyo Saldhigyada ay ka howlgalaan, waxayna ka bilaabatay Koonfurta Soomaaliya, waana tii lagu khaarijiyay Horjoogayaal badan oo uu ka mid ahaa hoggaamiyahoodii Axmed Godane iyo Rag kale, islmarkaana lagu burburiyay Saldhigyo badan. Intaasi kadib waxay bilaabeen inay ka firxadaan Koonfurta, iyagoo u guuray Gobolada Bartamaha Soomaaliya Galguduud iyo Mudug.

Haddaba Duqeymahaan oo ahaa kuwo isxig-xigay ayaa waxay ka dhaceen deegaanno ka tirsan Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaasoo lala beegsaday xeryo ay halkaasi ku leeyihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira naf iyo maal.

dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay inay maqlayeen saddexdii maalmood ee la soo dhaafay jugta madaafiicda kuwaasi oo lagu beegsanayey Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarada Al-shabaab lagu qaaday maalmihii la soo dhaafay ayaa sheegtay in weeraradaas ay iska kaashadeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka, waxaana lagu dilay ku dhowaad 100 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid nuuca dagaalka ah iyo saanado kale.

Duqeymaha ugu badan ayaa waxay ka dhaceen deegaanno ku dhow Camaara iyo Caad waxaana wararka halkaas aan ka haleyno ayaa sheegaya n Al-shabaab ay bilaabeen in ay xirxiraan qaar ka mid ah dadka deegaanadaas ku nool, iyagoo ku eedeynaya inay ahaayeen basaasiin, balse ay dadkaasi yihiin dadka deegaanka, islmarkaana aysan wax shuqul ah ku laheyn ee la iska soo qabqabtay.

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo soo gaabsho (Africom) ayaa sheegay in weeradaasi lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-shabaab ujeedada laga leeyahayna ay tahay in lagu wiiqo awoodda kooxdaasi Argagixisada ah.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in weerarada qaarkood lala bartilmaameedsaday xerooyin lagu diyaarinayay maleeshiyaad ka tirsan Argagixisada, kuwaasi oo isku diyaarinayay inay qaadaan weeraro ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka waxaa sidoo kale uu sheegay inaysan jirin cid shacab ah oo waxyeelo kasoo gaadhay weeraraad. Dhinaca kalana waxay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka Al-shabaab iyo kooxda kale ee argagixisada ah ee Daacish

Al-shabaab ayaa bilaabay in ay isaga cararaan deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug iyagoo cabsi weyn ka qaba duqeeymo kale in loo geysto, waxaana intaasi sii dheer inuu jiro kala shaki dhexdooda ah, taas oo soo dadajineysa dagaal dhexdooda ka qarxa sida marar horeba dhacday.

Dhinaca kale Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay khasaaro badan ku gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ka sameeyay Gobalka Shabeelaha Hoose, iyadoo Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraarim Barre oo la hadlay Warhaabinta qaran ayaa sheegay in ilaa iyo 7-ka mid ah Argagixisada Al Shabaab lagu laayay howlgalkaankaasi.

“Sidaad ogtihiin shalay waxaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka Howlgal qorsheysan kaasi oo ciidanku kuqaadeen Maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab halkaasi waxaa lagu dilay 7 ka mid ah Maleeshiyada ,kuwo kalena dhawaac ayaa loogu geystay” sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shalayna War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah  ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Alshabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri:-“Ciidamada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab ka fuliyay Gobalka Mudug, kaasi ayaa qayb ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Argagixisada Shabaab, waxaana lagu dilay Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka”.

Dawladda Soomaaliyeed iyo Saaxiibadeed way sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ah cadaw u taagan Dilka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ,waana loogu gali doonaan God kasta oo ay isku qarinayaan.

SONNA NEWS.

LEAVE A REPLY