Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha “Waan ku faraxsanahay Guusha ay soo hooyeen ciyaartoyda...

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha “Waan ku faraxsanahay Guusha ay soo hooyeen ciyaartoyda Qarankeena”

SHARE

Muqdisho(SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka hadashay guusha wayn ee ciyaartoyda Qaranka Soomaaliya ay ka gaareen galabta xulka Ethiopia.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ciyaartoydaan ay dadaal badan ku bixiyeen diyaarintooda xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo sidoo kale Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya Ciyaartoyda, iyaddoo xustay in  ay boggaadineyso dadaalka ay muujiyeen Xulka Qaranka ee 23 jirada.

Xulka qaranka ee 23 jirada Soomaaliya ayaa galabta guul ka gaaray ciyaar ay la yeesheen xulka dalka Ethiopia, taas oo ka dhacday magaalada Jabuuti gaar ahaan garoonka AlHaji Guulleed, waxaana uu ahaa is aragii labaad ee is reeb reebka ciyaaraha Olomikada adduunka.

Ciyaarhayanka xulka qaranka Soomaaliya Feysal Xasan Axmed ayaa gool aad u qurux badan u saxiixay Soomaaliya kaas oo ahaa Free Kick ama darbo toos ah, Feysal waxaa uu kamid ahaa ciyaartoydii qurbe joogta oo dalka yimid bishii October ee sanadkan.

Taageeriyaal aad u xamaasadeysan ayaa garoonka soo buux dhaafiyay kuwaas oo dhiiri gelinayay wiilasha qaranka Soomaaliya.

Is aragii kan maanta ka horeeyay ayaa ka dhacay magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana uu ku soo dhammaaday afar iyo eber oo xulka Soomaaliya looga  badiyay.

LEAVE A REPLY