Qeyb ka mid ah Siirada Nabi Muxamed NNKH

Qeyb ka mid ah Siirada Nabi Muxamed NNKH

SHARE

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim, waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla’ iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegay ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegay, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas’uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri “waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle”, sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogay markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayay wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri “war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim”. Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.
Qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
Rasuulka SCW wuxuu dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du’ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: “Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna dheheen: “Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah”. Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: “Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa”, isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: “noo tartiibi”. Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: “soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du’ayd daajiyaan.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay inay sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayayna ku ceshatay mar labaad, ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jiray isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyay cad yar markaasuu ku yiri: “tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa”, ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogay ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yiri: “Maxammed waa la dilay”, markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go’aansadeen inay hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aadday Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayay soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood way soo laabteen, hase yeeshee markii dhexda la marayo ayay Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa, halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey, hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jiray ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis, ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.

SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW.
Nagiba SCW wuxuu hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: “akhri”, markaasuu Nabigu SCW ku yiri: “wax ma akhriyo”, ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: “akhri” Nabiguna wuxuu yiri: “wax ma akhriyo”, mar saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: “ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegay.

Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: “I deda I deda” iyana wy dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba’day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: “naftayda ayaan maanta u baqay” markaasay tiri: “ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa”, markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da’weyn oo indho la’kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: “ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay”, Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: “maxaad aragtay?” markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: “kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey” wuxuuna intaa sii raaciyey “shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo”.

Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: “oo ma i bixinayaan”, Warqaa wuxuu yiri: “Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaarana waan kuu gargaari” hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go’ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: “anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay, ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri: “I deda i deda” markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: “(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD”(Suurat Al-Mudathir).

LEAVE A REPLY