Ifafaalo Muujinaya Gunaanadkii  Argagixisada

Ifafaalo Muujinaya Gunaanadkii  Argagixisada

SHARE

MUQDISHO-(SONNA)-Kooxaha  argagixisada ah ee  Al qaacidada Soomaaliya ee Shabaab iyo Daacish ayaa dhex muquuranaya  iska hor imaadyo ciidan, intii ka danbaysay markii ay soo if baxeen  goobihii miyaga ahaa ay ku dhuumaalaysanayeen Shabaab iyo  kooxo kale oo sheeganaya  magaca Daacish bishii Oktoobar 2015kii.Xilligaas wixii ka danbeeyay ma uusan joogsan dagaalka labadaas kooxood ka dhaxeeya wuxuuna salka ku haya khilaaf ku salaysan wadaagidda  arimo ay iyaga masiiri u arkaan sida Manhajka, Fahamka, Fikirka dagaal aloosidda ah ee iyaga ay jihaadka ku tilmaamaan, gaalaysiinta islaamka, daadinta dhiigga Muslimiinta sabab la’aan, beegsiga masaajidda iyo dadka ku dukanaya,  Qarxinta Suuqyada iyo Hoteelada.

labadan kooxood ee Argagixisada waxay ka soo horjeedaan Sunnadii  Eebe u abuuray aduunka, waxayna ku faanaan burburinta nolosha guud ee umadda Soomaaliyeed, waxaana malahoodu yahay in ay Fitnadaasi Alle ugu dhawaanayaan, balse xaqiiqdu taas waa ka duwan tahay oo Camalka wanaagsan ee Alle loogu dhawaado waa tan lagu badbaadiyo nolosha aadanaha, xoolahooha iyo waxyaabaha kale ee ay gaarka u leeyihiin ,tan kale acmaasha wanaagsan waa tan ka hor tagta  dhaqamada horseedi kara burburka iyo halaagga.

Maleeshiyaadka kooxda Al shabaab ee xagjirka ah ayaa bilaabay bishii Nofember 2015kii olole dagaal kooxda Daacish gaaar ahaan kuwii ku sugnaa gobolada Jubada hoose iyo dhexe waxaana halkaasi ku dhintay tobanaan ka tirsan argagixisada oo labada dhinacba ah

Saddexdii  sano ee la soo dhaafay Argagixisada Ashabaab waxay ka taqaluseen horjoogayaal ka tirsanaa Daacish, waxaana ka mid ahaa Abuu Nucmaan Bashiir, Xuseen Cabdi Aadan , Max’ed  A Makaawi             Al suudaani  oo ahaa Nin aad u yaqaan arimaha ciidamada iyo Amniyaadka , horayna xubin uga ahaa Kooxda Al Qaacida, waxaa kale oo shabaab dileen Cabdul Waduud wuxuu ahaa Horjoogihii kooxda Daacish ee koonfurta Soomaaliya, sidoo kale waxaa argagixisada daacish toogasho looga dilay Mahdi macallin oo ahaa kaaliyaha Horjoogaha Daacishta Soomaaliya iyo kuwa kale oo shirqool lagu Khaarajiyay ama  ku dhintay Ciqaabta ka jirta xabsiyada gaarka ah ee kooxda Al Shabaab.

Iska horimaadka ciidan ee labada kooxood ee argagisada ah kuma koobna koonfurta dalka, balse waxaa laga soo xawilay deegaanada Punt- land halkaasi oo uu wali si muuqato uga jiro, waxayna labada dhinacba u diyaargaroobayaan in ay muquurashada dagaal kooxba ay doonayso in ay tan kale kaga taqalusto.

Dhanka kale waxay maleeshiyaadka argagixisada ee shabaab Fuliyeen falal joogta ah oo ka soo horjeeda cid walba oo hadal ku taageerta Daacish, ama ku faafisa halkudhigyada Daacish Al shabaab dhexdooda, ugaarsigaan Shabaab ku beegsanayaan Daacish, islamarkaana ay doonayaan inay kaga taqalisaan ayaa sii cusboonaysiinaya dagaalka labada kooxood .

Waxaa iyana xusid mudan in 13/11/2018 Shabaab ku qaadeen olole kale oo sifayn ah horjoogayaal  taageersanaa Daacish oo ku sugnaa degmada Jilib ee Jubada dhexe, kadibna halkaasi la isku dhaafsaday rasaas, waxaana halkaasi ku geeriyooday Abu Anas Al Masri  xilli  isaga koox kale ay  ku sugnaayeen masaajid ku yaalla degmada balse xurmada masjidka kama badbaadinta geerida, waxaana dad goob joogayaal ah xaqiijiyeen in halkaasi ku burburay masjidkii Alle, tanna waxay xaqiijinaysaa in falalka waxashnimada ah ee Al shabaab uusan waxba kaga duwanayn Ficilladii Daacish ay ka fulin jirtay dalalka suuriya iyo Ciraaq.

Dhacdadan  ugu danbaysay  waxaa ka dhashay in taageerayaashii Abu Anas Al Masri ka huleelaan Jilib iyagoo cagahooda maalaya  waxayna u jihaysteen dhanka degmada Bu’aale oo ah xarunta Jubada dhexe,oo dhacda Koonfurta fog ee Soomaaliya, balse waxaa dabagalay Shabaab waxaa ka dhacay dagaal ay riiqdeen labada dhinacba, dagaalkaasi kadib argagixisada Shabaab  waxay Jilib ka bilaabeen olole ay ku xireen dad kor u dhaafaya 20 qof, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay taageersan yihiin argagixisada kale ee Daacish.

Ma ahan markii ugu horaysay ee maleeshiyaadka Shabaab ay fuliyaan howlgallo ay ku dabargoynayaan horjoogayaasha ajnabiga ah ee xiriirka dhow la leh Al Qaacida ama Daacish gudaha Soomaaliya, taasi sow laguma macnayn karo in Soomaaliya noqotay Qubuuraha horjoogayaasha ajnabiga ee Al Qaacida kuwaasi oo maciinsaday Geeska afrika tan iyo 1992dii, iygoo raadinaya dal ay ku faafiyaan fikradahooda guracan.

Tan iyo 2016kii Kooxda daacish ayaa dhowr mar soo saartay digniinno toos ah iyo kuwo aan toos ahayn oo ku wajahan kooxda xagjirka ah ee Shabaab, waxayna u soo jeedisay inay joojiyaan  dabagalka iyo beegsiga ay ku hayaan taageerayaashooda , balse shabaab dhagaha ayay ka furaysteen soo jeedintaasi, waxayna door bideen ugaarsiga iyo tirtiridda taageerayaasha Daacish oo ay u arkaan inay tiro iyo tayo ahaanba ka liitaan.

Xaalka labadaan koox ee argagixisada ayaa meeshii ugu xumayd gaaray kadib markii fariin hanjabaad ah oo ka duwan kuwii hore kooxda dacish ay baraheeda ku faafisay, waxaana lagu xusay  in ay lagama maarmaan tahay in laga aargoosto Shabaab.

Dagaalkan ka dhex aloosan labadan kooxood ee Gaalaysiinta ku sifoobay wuxuu wiiqayaa ama dhaciifinayaa jiritaankooda Soomaaliya, waxaana meesha ka bixi doona manhajkooda qaldan, Afkaartooda guracan, dhaqankooda Cadawtinimada ku salaysan iyo Xukunkooda khilaafsan diinta islaamka, ifafaalaha burburka kooxahan argagixisada ah waxaa sii baritaaraya mowqifka diidmada ah ee shacbiga Soomaaliyeed iyo dadaalka dowladda Soomaaliyeed iyo ciidamada Qalabka sida ugu jiraan soo afjaridda kooxahaan diidan jiritaanka Qaranimada Soomaaliya, ugu danbayntii dowladda Soomaaliyeed  waxay mudnaanta koowaad siinaysaa difaacidda Qarannimada dalka, ilaalinta midnimada iyo badqabka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qallinka, Cilmi bare iyo xeel dheere arimaha kooxaha Xagjirka ah:- C/raxmaan Sahal Yuusuf

LEAVE A REPLY