Baarlamaanka Carabta oo Taageeray Dowrka Haweenka Carabta  ee ka qeyb galka Arrimaha...

Baarlamaanka Carabta oo Taageeray Dowrka Haweenka Carabta  ee ka qeyb galka Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha

SHARE

Al-Qaahira (SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Dr. Mashcal Bin Faham ayaa soo saaray Bayaan uu kaga hadlayo taageerida dowrka haweenka Carabta ay ku leeyihiin ka qeyb galka arrimaha Siyaasadda iyo Dahaqaalha.

Wuxuuna intaa raaciyay in khudbada uu maanta ka jeedin doono shirka ay martigelinayso Boqortooyada Baxreyn uu ku soo qaadi doono arrintaasi la xiriirta xaquuqda Haweenka Carabta ee arrimaha horumarinrta bulshada Carabta si loo xaqiijiyo ayuu yiri cadaaladda iyo kaalinta ay haweenku dhinacyadaasi ku leeyihiin iyo xuquuqdooda sharciga ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Dr. Mashcal Bin Faham wuxuu ugu dambeyntii cadeeyay inuu baarlamaanka Carabta ku taagan yahay sugidda iyo u hiilinta qadiyadda Haweenka Carbeed sidii ay kaalin mug leh uga qaadan lahaayeen dhinacyada Siyaasadda ,Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arriimaha Bulshada,wuxuuna intaa raaciyay in Baarlamaanka Carabta uu hore go’aano uga soo saaray xuquuqda haweenka iyo qanuunka gaar ah.

LEAVE A REPLY