Ciidamada Ammaanka oo toogtay maleeshiyadkii weeraray Hotel Saxafi

Ciidamada Ammaanka oo toogtay maleeshiyadkii weeraray Hotel Saxafi

SHARE

Ciidamad Ammaanka ayaa ku guuleystay inay toogtaan dhagarqabayaashii weeraka soo qaaday  ee doonayay inay galaan gudaha Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Labo gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay wadada hor marta Hotel Saxafi, halkaasi oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 10 ruux oo shaca ah, kuwaasi oo qaarkood marayay wadada halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale.

Maleeshiyaadka ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa markii ay qaraxyada dhaceen kaddib isku dayay inay gudaha u galaan Hotel Saxafi balse ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Afhayeenka Ciidanka booliska Qaasim Axmed Rooble.

LEAVE A REPLY