Diyaaradda Ethiopian Airlines oo soo Caga dhigatay Garoonka Muqdisho+Sawirro

Diyaaradda Ethiopian Airlines oo soo Caga dhigatay Garoonka Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Waxaa Maanta oo Jimca ah markii ugu horreysay muddo 41 Sano ah soo Caga dhigatay Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Diyaarad Rakaab ah oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines.

Munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynaya Duulimaadka shirkaddan ayaa waxaa lagu qabtay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya, Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya, maamulaha Shirkadda Ethiopian Airlines iyo Madax kale.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya,Kamaalu diin Mustafa, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maanta ay si rasmi ah u billoowday Duullimaadkii Diyaaradda Ethiopian Airlines 41 Sana ka dib, tusaalena ay u tahay fulinta Siyaasadda fur-furan ee ay Dowladda Itoobiya qaadatay, taas oo ah isku xirka Afrika, gaar ahaan waddamada Gobolka,

Amb, Kamaalu-Diin Mustafa, ayaa sheegay inay arrintani faa’iido u leedahay is-dhex galka Labada Dal, isagoo tilmaamay in waxa keliya ee Maanta Dunida isku xira ay tahay Duullimaadyada, Ethiopian Airlines-na ay isku xiri doonto Waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inay yihiin Laba Dal oo Walaalo ah, deris ah, Dadna isugu xiga, sidaa awgeedna ay Dowladdiisu ku raja weyn tahay inay Duullimaadka Ethiopian Airlines fududeyn doonto xiriirka isu socodka Dadka iyo midka dhaqan dhaqaale ee Labada Dal.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi (Oomaar) oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diyaaradda Ethiopian Airlines aysan ku iman arrimo ganacsi oo keliya, balse ay ku timid shaqa badan oo laga qabtay xagga ammaanka ,taas oo suurta gal ka dhigtay in habka ay Dowladdu u marto sugidda nabad gelyada ay ku qancaan dhammaan Diyaaradaha Caalamka.

Wasiir Oomaar, ayaa howlaha quruxda badan ee ka socda Madaarka uga mahad celiyay, Maamulka, Ciidamada kala duwan iyo dhammaan shaqaalaha Garoonka, taasoo keentay in ammaanka Airporka Muqdisho uu ka sarreeyo meelo badan oo Dunida ah.

Mudane, Oomaar, ayaa sheegay inay Labada dhinacba ugu jirto dano dhaqaale, fur-furnaan xagga ganacsiga ah iyo shaqaalaysiin badan, isagoo shirkadaha Diyaaradaha ee kusoo kordhaya Dalka Soomaaliya ugu baaqay inay Shacabka u fududeeyaan Safarradooda.

Diyaaraddan ayaa Garoonka Caalamiga ah ee  Aaden Cadde International Airpot Muqdisha ka dejisay Rakaab Soomaaliyeed oo ka yimid Dalka Ethiopia.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa indhawaalaba ku tallaabsanayay horumar xagga Duullimaadyada Caalamiga ah, waxanay tallaabadani qayb ka tahay guulaha isku xirka Caalamka iyo kuwa dhaqaale ee ay gaadhay Dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY