Tajikistan :27-qof oo lagu dilay shaqaaqo ka dhacday xabsi.

Tajikistan :27-qof oo lagu dilay shaqaaqo ka dhacday xabsi.

SHARE

(SONNA)…Illaa 25 ruux oo maxaabiis ah iyo laba ka mid ah Ciidamada ammaanka ee dalka Tajikistan ayaa ku dhimatay Xabsi ku yaalla magaalada Khujand ,ka dib shaaqaaqo saacadihii dambe ee maalinimadii Arbacada ka dillaacday halkaasi sida warar laga helay ciidamada ammaanka ay u sheegeen warbaahinta caalamka.

Wasiirka Arimaha Gudaha dalkaasi ayaa sheegay in rabshadahaasi  ay bilaabeen kooxo ka soo jeeda Daacishta oo weerareen ciidamada ilaalada xabsigaasi.

Saraakiil ka tirsan Tajikistan ayaa sheegay in la soo celiyay xaaladda amni ee xabsigaasi,halkaasina ay ku dhinteen 25-maxbuus iyo laba ilaalo ah

Magaalada Khujand waxa ay masaafo dhan300-km Woqooyiga kaga beegab taahay caasimadda Dushanbe ee dalka Tajikistan .

Sanadkii  1997, isla magaaladaasi Khujand  ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa dilay 24-qof oo maxaabiis Ah ka dib markii halkaasi ay ka dillaaceen shaqaaqooyin gacan ka hadal ah.

LEAVE A REPLY