Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan oo la sii dhameystiray

Heshiiska dhinacyada Siyaasadda ee Koofurta Suudaan oo la sii dhameystiray

SHARE

Dhinacyada ku kala irdhoobay siyaasadda Wadanka Koofurta Suudan ayaa waxaa lagu wadaa in colaadooda lagu soo dhameeyo heshiis ay marqaatiyaal ka yihiin qaar ka mid ah Madaxda Afrika, waxaana heshiisku uu ka dhacay kal hore Magaalada addis-ababa ee Dalka Itoobiya.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda ka qeybgaleysa, kuwaasi oo marqaatiga ka noqon doona Heshiiska dhinacyada Koofurta Suudaan, iyadoo waxyaabaha lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah, in la sameeyo hub ka dhigis, in la dhiso dowlad wadaag ah iyo in la siidaayo maxaa biistii la kala qabsaday intii colaada ay socotay.

Maxamed Caalin oo ah Aqoonyahan si gaar ah ula socda siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegay in heshiiskaan uu macno weyn u sameynayo Shacabka Koofurta Suudaan ee Colaada ka daalay iyo dalalka kale ee ku yaala Geeska Afrika.

Xaaladda Koonfurta Suudan waxay tahay, isagoo ah Wadanka ugu da’da yaraa ee Qaaradda Afrika ka dhasha, ayna hore u soo daashadeen dagaal iyaga iyo Wadanka Suudaan ka dhaxeeyay, islmarkaana u suurtogashay inay helaan Xorriyaddii muddo sanado badan ay u dagaalamayeen, balse waxaa nasiib darro ah in in yar kadib uu dagaal ka dhex qarxo gudahooda, waxaa iska horyimid Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii Dalkaasi, waxaan uu dagaalkaasi sababay inay dhacdo dhimasho badan, bur-bur dhinayo badan leh iyo qaxooti badan oo u kala firday wadamada la jaarka ah.

Kadib waxaa lagu guuleystay in heshiis la dhexdhigay, weyna aqbaleen dhinacyadii isku hayay colaadda Suudaanta Koonfureed, waxaase la isweydiin karaa maxaa ka dhigan yahay ama uu mihiim u yahay?, mar heshiiskaani waxa uu muhiim u yahay Harada weyn ama horooyinka oo ay ka mid tahay Ugaandha, Kenya, Itoobiya, Suudaan, koonfurta Suudaan iyo kuwa kale, waxaase ugu muhiimsan in dadka reer Koonfurta Suudaan inay nabad helaan, taasi oo ay Caalamka iyo wadamada Geeska afrikaba ay rajeynayaan.

Heshiiska ayaa qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxaa ka mid ah, in Labada hoggaamiye inay sidooda xilka u sii hayaan, hub ka dhigis in Dalka laga sameeyo, in Ciidanka la qarameeyo, dib u habeyn in lagu sameeyo Waddooyinkii, Saldhigyadii, goobihii Caafimaadka, in la isku celiyo wixii Maxaabiis ahaa ee la kala qabsaday iyo kuwa kale, balse waxaa ugu muhiimsan in la helo siyaasad mideysan iyo is-dhexgal bulsho oo ay Dadku isla noolaadaan.

Haddaba wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u ambabaxay Dalka Suudaanta Koonfureed Caasimadiisa Jubba, ayaa Ujeedka Safarkiisu yahay ka qeyb galka munasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen, sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalay Hogaamiyeyaal ka socda Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa ka mid ah Wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana dalkaasi ku nool kumanaan Soomaali ah, kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaasi ioo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa waxa uu xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan Shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan, wuxuuna dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah, wuxuuna kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku laheyd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaasi.

W.D: C/laahi Ruush

LEAVE A REPLY