Saraakiil sare oo ku dhimatay Diyaarad ku dhacday Afghanistan

Saraakiil sare oo ku dhimatay Diyaarad ku dhacday Afghanistan

SHARE

Kabul(SONNA):-Diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada dalka Afghanistan ,isla markaana sidday 25-askari oo u badan saraakiil sare,ayaa ku burburtay Gobolka Farax ee gudaha dalkasi.

Naser Mehri oo ah Afhayeenka Barasaabka Gobolka Farax ee Galbeedka  Afghanistan ayaa sheegay in laba diyaarad oo helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada dalkaasi ,kuna socday Gobolka Herart oo deris la ah Goolka Farax ay mid ka mid ah burburtay ,ka dib kolkii ay luntay xakameyntii diyaaraddaasi.

Shilka diyaaraddaasi ayaa la sheegay in ay sababeen isbaddalka  cimilada,halka Afhayeen u hadlay Taliban uu sheegay in kooxaha dagaalyahanada hubeysan ay soo rideen diyaaraddaasi.

Dhinaca kale qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay Gaari bas ah oo sidday shaqaale ayaa ka dhacay Magaalada Kabul ee Caasimadda dalkaasi.

Qaeraxaasi oo ka dhacay agagaarka xabsiga weyn ee Kabul waxaa ku dhintay 7-ruux.

LEAVE A REPLY