Diyaaradaha Israeli oo duqeeyay 80 bartilmaameed oo Gaza ah

Diyaaradaha Israeli oo duqeeyay 80 bartilmaameed oo Gaza ah

SHARE

(SONNA)…Diyaaradaha dagaalka ee  Israeli ayaa duqeeyay goobo badan oo ka mid ah marinka Gaza aroornimadii maanta oo sabti ah ,iyadoo daba jooga dagaalyahanada Falastin oo illaa 30-gantaal ku weerareen deegaanada Yahuudda.

Duqeyntaan ama rasaasta culus ee ay isweydaarsadeen labada dhinac oo ah tii ugu cusleyd Todobaadyadaan,ayaa daba joogta bannaanbaxyo ashtako ah oo dhacay maalintii shalay,halkaas oo ciidamada Israel ay rasaas la beegsadeen shan Falastiiniyiin ah.

Kooxda Islaamic Jihad ayaa sheeegatay in ay ka dambeeyeen gantaalada lagu garaacay deeegaanada koonfurta Yuhuudda,waxaana ciidamada Israeli ay iyaguna sheegeen in 80-goobood oo bartilmaameed ah ay weerareen,sida dhismayaal muhiim u ah kooxaha dagaalyahanada.

Duqeymankaan ayaa ah  kuwo sii adkeynayadadaalada nabadeed ee ay wadaan xukuumadda dalka Masar,kaas oo la doonaayey in lagu joojiyo dagaalada u dhexeeya Xamaas iyo  Israel.

Wararka hordhaca ah ayaa caddeynaya in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh.

LEAVE A REPLY