Qeybtii 2-aad:- Qaar kamid ah Dadkii Noloshooda kuwaayay Qarixii Soobe

Qeybtii 2-aad:- Qaar kamid ah Dadkii Noloshooda kuwaayay Qarixii Soobe

SHARE

Muqdisho(SONNA):-Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Gaari weyn oo xamuul ah oo lagu soo raray walxo qarxa oo tankoodu cuslaa oo uu kaxeynayay naftii halige ku qarxiyay maanta oo kale 14 Oktober, 2017 Isgoyska Soobe ee KM 5 ee Muqdisho, halkaasi oo ahayd waddo ganacsi oo ciriiri badan, waxa ayna taasi sababtay geerida Shacab badan oo aan waxba galabsan.

Hadaba Halkan hoose waxaan idinku suu gudbineynaa Qeybtii 2-aad oo tira ahaan nooga bilaabanayso 11, waxaana qaar kamid ah Dadkii ku dhintay Masiibadaasi la hadalnay Ehelkooda oo aan wax ka weydiinay Taariikhdooda oo kooban si aan u xasuusano oo quluubteena ay baaqi ugu sii ahaadaan, si aan xili kasta ugu duceyno Marxuumiintii halkaasi ku shahiiday.

11- Cumar Xaaji  Maxamed, waa Naafo lixaadkiisu aanu dhameystirneyn, waxa uu Mehrad yar oo lagu iibiyo Bagaashka ku lahaa Isgooska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho,Bashiir Cumar Xaaji iyo Maryan Cumar Xaaji oo isaga caawin jiray aya uga geeriyooday Qaraxii halkaasi ka dhacay.

Aabe Cumar Xaaji , ayaa sheegay in caruurta halkaasi uga dhimatay ay ahaayeen garbihiisa, uuna ku nasan jiray, waxaana uu xusay in Maryan Cumar ay  meel aan siddaasi uga fogeyn ku iibin jirtay Caanaha. “Baariyaal ii dhaga fudud iyo hantideydii ayaa Zoobe ku waayey” ayuu yiri.

12- Xabiib Xasan Dhuux, waa 28 sano jir ka shaqeynayey mehrad aan ka fogeyn isgooyska Km5 Ex Zoobe, waa ahaa Xaasle caruur ay joogaan, sidoo kale waxuu ahaa qof la dhaqanka Bulshadda aad ugu wanaagsan, Alle ha u naxariisto marxuumka waxuu kamid ahaa dadkii ku dhintay xasuuqii 14 ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho.

“Alle ha u naxariisto, ma aqaan qof aan ku tilmaamo afgaabni, Xushmad, Cibaado iyo howl karnimo ayuu isku darsaday, qoyskiisa saameyn xooggan ayaa soo gaartay, xaaska iyo ilmihiisa hadda ma heystaan qof booskiisa u badala” Qof deris muddo dheer ay ahaayeen ayaa siddaas noo sheegay.

13-Maxamed Cali Diiriye oo 23 sano jir ah, waxa uu si xamaalato ah uu uga shaqeysan jiray Magaaladda Muqdisho, lacagta aadka u yar ee dhibka badan uu ka soo maro waxa uu ku biili jiray Aabihii oo naafo ah iyo Qoyskiisa intiisa kale oo ka koobnaa 7 qof.

Mid kamid ah Eheladdiisa oo SONNA la hadlay ayaa u sheegay in Geerida Alle ha uu naxariistee Maxamed Cali ay qoyskiisa ku sababtay naxdin aad u weyn, isagoo xusay in aysan jirin cid hadda ay sugayaan Qoyska Marxuum Maxamed, maadaama isaga uu ahaa qof kaliya ee u shaqeeya.

14- Axmed Cabdi kariin Ciyoow, waxa uu kamid ahaa Qurbo joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareyanka, isagoo dalka ka maqnaa muddo 10 ku dhow, Bishii Oktoobar 2017 ayuu qorsheystay in dalka uu dib ugu soo laabto, si uu usoo booqdo Qoyskiisa, Qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa Soomaaliya ku nool, markii uu soo gaaray Muqdisho isagoo aan arkin qoyskiisa, gaarinna halkii uu dagi lahaa ayaa waxa uu kamid noqday dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Marxuum Axmed Hooyadiisa, ayaa iyaddoo ooyneysa inoo sheegtay  “Alla maxaan sheegaa, wiilkeeyga indho ma saarin 10 sano. markuu yimidna meydkiisa la ii keenay!”

15- Maxamed Cali Abuukar oo ku magac dheer (Qorshe), da’diisu waxaa lagu qiyaasay 53 sano jir deganaa Degmadda dharkiinleey ee Gobolka Banaadir, Wade u shaqeynayey Isbitaalka Xanaano ee Muqdisho ku yaalla ayuu ahaa, waxa uu ahaa Xaasle heysta 16 qof oo caruur iyo kuwa waayeen isugu jira, Alle ha u naxariistee dadkii ku dhintay Qaraxii zoobe ayuu kamid ahaa.

“Kama sheekeyn karro wixii dhacay, Aabe waxuu ahaa Qof gargaare oo ka shaqeeynayey Isbitalka Xanaano, Qof naxariis badan, farxaan ah, dadka qadariya intaas kusii darsaday cibaado badan ayuu ahaa” ayuu yiri mid ka mid ah Caruurta Marxuum Maxamed Cali oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed.

16-Cabdullaahi Maxamed Siidow 21 jir ka shaqeynayey mid kamid ah Maqaaxi aan siddaasi uga fogeyn Isgooyska Ex Zoobe ayuu ahaa, shaqaalaha kan   ugu firfircoon, uguna dabeecada badan  ayuu ahaa, sidoo kale Qoyskiisa qofka kaliya ee u shaqeeya ayuu ahaa, Alle ha u naxariistee Cabdullaahi dadkii Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen Isgooyka  14ka Oktoobar ayuu kamid noqday.

Mohamed Sidow oo dhalay Marxuum Cabdullaahi ayaa SONNA u sheegay in wiilkiisa ay fiirsan jireen, uuna ka caawin jiray inuu dabaro nolosha Qoyska, intaas waxuu raaciyey in Marxuumka uu ahaa Wiil baari ah oo dadka ay aad jecelaayeen.

17-Xaliimo daahir ducaalle, waxay aheyd hooyo Soomaaliyeed oo da’ ah Markii cid  ugu war dambeesay meeshi uu Qaraxa ka dhacay ayey  mareeysay,waxayna kamid aheyd dadkii maydkooda la waayay.

18- Cabdi Salaan Aadan Cabdi waxa uu ahaa 21 sano jir shaqeysta oo Nolosha reerkii ka masruufi jiray shaqo aad u  adag oo ah Garab rarato ama Xoogsade, markii cid igu war dambeysay agagaarka isgooyska Ex Zoobe ayaa lagu Oggaa, Nolol iyo geeri midna laguma hayo.

Marxuumka  adeerkiis oo lagu magacaabo Cali Cabdi oo degan degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir, ayaa sheegay in wiilkooda uu kamid ahaa dadkii la waayay, balse ay u badinayeen inuu geeriyooday, waxaana uu xusay in Nolosha qoyska oo aad danyar u ahaa uu isagga  kaliya u shaqeynayey.

19- Cabdullaahi Daahir Warsame waxuu ahaa 34 sano jir ku dhashay degmadda Ceel buur ee Gobolka Galgaduud, kuna shaqeyn jiray Xirfadda darawalnimada iyo Wade, waxuu deganaa degmadda Deyniile ee gobolka Banaadir, 6 Caruur ah oo qaarkood ay aad u yaryar yihiin ayaa u joogto,waxuuna kamid ahaa Dadkii meedkooda la waayay, waxaana cid ugu war dambeysay isaggoo ku sugan inta u dhaxeysa Isgooysyada Banaadir iyo Ex zoobe.

Mid kamid ah Ehelkiisa, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA u sheegay in Cabdullaahi ay isku raaceen inuu ku dhintay Xasuuqii 14ka Oktoobar ka dhacay Isgooyka KM5, maadaama xilligii qaraxa uu dhacayey halkaasi uu ku sugnaa, caruurtiisa inay dayacan yihiin oo aysan jirin qof ay sugayaan ALLE maahee ayuu noo sheegay.

20- Xuseen Axmed Guuleed, 27 sano jir ka shaqeynayey Isbitaalka Rasmi ayuu ahaa, waxuu ka shaqeynayey arrimaha caafimaadka oo la sheegay inuu ahaa qof aad u naxariis badan, dadkii ku dhintay Xasuuqii ka dhacay Isgooyska KM5 Ex Zoobe ayuu kamid noqday Alle ha u naxariistee marxuum Xuseen.

“waxuu ahaa sama fale naxariis badan oo inta badan caawiya dadka dan yar ah, walaahi geeridiisan saameyn iyo naxdin aad u xoog badan ayey nagu abuurtay, geeridiisa siddaan uga naxay uma maleyn maayo mid ka dambeysa in siddaasi oo kale ay ii xanuunjiso” mid kamid ah Ehelka Marxuum Xuseen ayaa inoo sheegay.

21-Aamino Xasan Cali:-  waxay shidaal ku iibin jirtay isgooyska Ex Zope ee magaaladda Muqdisho, waxay aheyd hooyo ka masuul ah  qoys ka kooban 9 caruur ah oo 4 ay gabdho yihiin, aabaha qoyskaasi ma aheyn qof shaqeeya, iyadda kaliya ayaa qoyskaasi oo aad u danyar ah u dhaqdhaqaaqayey, waxay kamid noqotay dadkii sida naxariista darran Nabad diidka Alshabaab ay ugu laayeen Qaraxii 14ka Oktoobar KM5 ka dhacay.

“Caruurta ay ka geeriyootay Marxuum Aamina hadda ma heystaan qof u maqan oo ay sugayaan, waa ilmo aad u yar, mar ay biilkooda raadiso iyo mar ay iyagga koriso ayey u dhaxeysay” mid kamid ah Ehelka marxuumada ayaa siddaasi inoo sheegtay.

22-Zeynab Cabdiqaadir Yacquub, waxay aheyd hooyo heysta carruur  lagu qiyaasay shan qof, waxay ahaayeen qoys dan yar ah, hooyo Zeynab ayaana qoyskaasi u shaqeyn jirtay, isgooyska Zope ee Magaaladda Muqdisho qaraxii ka dhacay 14ka Oktoobar dadkii ku dhintay ayey ka mid aheyd.

Maxamed Cali oo ah  ganacsatada loo yaqaano  waratada ah, islamarkaana  yaqaanay Marxuum Zeynab, ayaa Wakaaladda SONNA la hadlay, waxaana uu sheegay in ay aheyd Maamo Zeynab qof  kaliya ee u shaqeynayey Qoyskooda oo ay heystay  darruufo dhanka nolosha ah.

23-Marxuum Shuuke Xersi Maxamuud, waxuu ahaa Bajaajle ka shaqeysta Magaaladda Muqdisho, waxuu kamid ahaa dadkii  Maleeshiyada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Zope ee KM5.

Cali Maxamuud oo ay qaraabo yihiim Marxuum oo Wakaaladda SONNA ay la xiriirtay ayaa inoo sheegay in uu nala hadli karin, sababo la xiriira raadka ay ku reebtay  geerida Marxuum Shuuke  oo uu sheegay inuu ahaa qof naxariis badan.
24-Maxamed Bashiir Axmed,  waxa uu  ahaa wiil aad u da’yar  oo  da’diisa lagu sheegay 17 sano jir, Dugsi waxbaraso oo ku yaalla degmadda Wadajir ee Gobolka ayuu dhigan jiray, Alle ha u naxariistee waxuu kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Isgooyka KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

25-Suleymaan Nuur Cali oo ah 29 jir ku shaqeysanayey xirfadda darawalnimo , caan ayuu ka ahaa isgooyska Zope ee Magaaladda Muqdisho, maadaaa halkaasi uu u badnaa, dadkii nabad diidka 14kii Oktoobar Zope ay ku xasuuqeen ayuu kamid ahaa.

” Alle ha u naxariisto Suleymaan, waxuu ahaa qof shaqo badan oo howlkar ah agagaarka Zope si aad ah ayaa looga yaqaanaa,  waxa uu lahaa caruur intay yihiin ma sheegi karo lkn waxaan hubbaa in qoyskiisa ay aad dan yar u yihiin oo isagga wax uu u keeno uun sugi jiray” Xuseen Cali oo  marxuum ay shaqo wadaag ahaayeen ayaa siddaasi SONNA u sheegay

26-Leyla cabdi axmed, waxay aheyd Ganacsato iibisa Bakaashka noocyadiisa kala duwan, waxay u shaqeyn jirtay qoyskeeda oo dan yar ah, kuna nooleed Magaaladda garoowe ee xarunta maamulka Puntland, markii uu dhacayey qaraxii KM5 ka dhacay 14 kii Oktoobar, waxay ku sugneyd agagaarka isgooyska Zope, ilaa iyo haddana nolol iyo geeri laguma hayo.

Kheyrto Shiiq Barre oo waalid uu ah Leyla, ayaa SONNA u sheegtay in hooyada Marxuumada habeen kasta ay soo wacdo, iyaddoo weydiineysa su’aasha ah ” Gabadheyda meeydkeeda mala helay mise way nooshahay” Kheyrto, waxaa kale oo ay sheegtay Leyla cabdi  in qoyska iyo hooyadeed oo da’ ah ay biili jirtay.

27-Maxamed Cali Diiriye, waxuu ahaa arday dhiganayey Jaamacadda Jobkey ee Magaaladda Muqdisho, Qoyskiisa waxay ka kooban yihiin 6  qof, hooyadiis oo lagu magacaabo Ruqiyo Cabdullaahi iyo aabihiis  Cali Diiriye xanuun ayey la jiifeen, 4 wiil oo dhalatayna 3 kamid ah waa dhagool, isaga iyo wiil kale ayaa ugu dhaq dhaqaaq fiicnaa qoyskaasi, dadkii ku dhintay xasuuqii Zope ka dhacay ayuu kamid ah Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Diiriye.

Marxuumka haboyartiis oo SONNA  la hadashay, ayaa inoo sheegtay in Maxamed uu ahaa qofka kaliya ee reerka ay  fiirsanayeen, “maaheyn qof shaqeynayey lkn qof wax bartay oo xilligii laga faa’iideysanayey joogay ayuu ahaa  ” ayey tiri Faadumo Cabdi

28-Maxamed Bashiir Tifoow, waxa uu ahaa arday dhigta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxuu ahaa wiil wanaagsan oo furfuran, kuna fiicnaa dhanka waxbarashada, alle ha u naxariistee dadkii aan ku weynay isgooyska Zope ee Magaaladda Muqdisho ayuu kamid ahaa.

Sacdiyo Shiikh Cabdullaahi oo ah Marxuum Maxamed Hooyadiis ayaa Wakaaladda SONNA ku tiri :-

“Saameyn weyn ayey geeridiisa nagu beertay wiilkeyga Maxamed, waxuu iga dabari jiray ilmaha isaga ka yar oo agoon ah, habeenkii waxuu dib ugu akhrin jiray casharada ay soo qaateen maalintii, kama sheekeyn karo qof, waxuu ahaa wiil aan fiirsanayey oo baari ii ah”  Hooyo

29-Cali Faarax Diiriye, waxuu ku magac dheeree oo dadka badankiis ay u yaqaaneen Cali Mahad, waxuu muddo badan u shaqeynayey Shirkadda Isgaarsiinta Nation ,aabe heysta 7 caruur ah oo 6 ay wiilal yihiin ayuu ahaa, sidoo kale waxuu heystay gabar 9 bilood jir ah, Alle ha u naxariistee dadkii Alshabaab ay ku xasuuqeen isgooyska Zope ee magaaladda Muqdsiho 14 kii Oktoobar  ayuu kamid  ahaa.

Nasiib Faarax diiriye, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegtay in Marxum Cali Mahad uu qoyskiisa u ahaa garab ka nabad doon ah, geeridiisana ay ku yeelatay saameyn aad u xoog badan.

30-Mahad Maxamed Xasan, waxuu ahaa arday dhiganayey Jaamacadda Jaziira ee Magaaladda Muqdisho, Wuxu u socday marki ugu war dambeysay qosykiisa  jaamacadda, waxaana uu u diyaar garoobayey buug difaacashadiisa, Alle ha u naxariistee waxuu kamid noqday dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay  isgooyska Zope KM5 ee Magaaladda Muqdisho.

“Qof la fiirsanayo oo waxbarashada jaamacadda heer gabogabo ah ay u mareysay ayuu ahaa, waad darreemi kartaa saameynta  ay reebi karto geeriddiisa, alle ha u naxariisto wixii uu ahaa kama sheekeyn karo” ayey Mahad gabar la dhalatay  SONNA  kala hadashay.

LEAVE A REPLY