OCTOBEREY ADIGAA LEH (Maqaal)

OCTOBEREY ADIGAA LEH (Maqaal)

SHARE

Maalmihii murugada,qarowga, calool xumada umadda soomaaliyeed, dhibateynta iyo xasuuqa waxaa ay ahayeen kuwa tixane ah oo siyaabo kala duwan iyo goobo kala gadisan loogu geysanayay guud ahaan gudaha dalka iyo dibadda.

Waase kala xanuun badan yihiin marka laga eego baaxada khasaaraha nafeed iyo mida hantiyadeed ee ummada soomaaliyeed oo dhibanayaal u noqday cadow aysan garan Karin waxa ay ka bi’iyeen kuwaas oo dhammaan ugu xukuman dil.

Alshabaab waa cadowga ugu weyn ee ummadda soomalaiyeed waana imtixaan aan lahayn natiijo rasmi ah marka laga reebo dhaca,dilka,qarxinta,barakicinta iyo daadinta dhiigga bulshada si aan alle raali ka ahayn.

Argagixisada Al-Shabaab waa musiibada ugu weyn ee shacabka nabadda jecel  ee qarniga 21-aad iyo dunidaan casriga ah waana cadowga kula yaal kugu dhaqan iyo af ah balse aaminsan daadinta dhiigga maatada iyo haldoorka bulshada muslimka ah sunniga ah ee soomaaliyeed in ay jano ku galayaan.

Bal mar kale dib inoogu celiya sanad ka hor 14 Aktoobar maalintii madoobeed ee umadda soomaaliyeed oo ay ku dhinteen inta la hubo 587 kuna dhaawacmeen 202 qof waxaa kale oo ilaa iminka lagu la’yahay meydadkooda ilaa 50 qof gadigood waxba may galabsan dadkaasi la gumaaday, waxaana qaraxaasi uu ahaa kii labaad ee ugu qasaaraha badnaa dunidaan aanu joogno marka laga soo tago  weerarkii 11 September  2001 kasoo lagu weeraray daarihii mataanaha ahaa ee dalka mareykanka.

Marnaba kama bixi doonto dhacdadaasi iyo xasuuqii xanuunka badnaa ee lagu indha tiray in badan oo ka mid ah shacabkayga Soomaaliyeed, ma ilaawi doono weerarkii bahalnimo oo si bareer ah ay URURKA GUMADKA UMMADDA SOOMALAIYEED u sheegteen in ay sabab u ahayeen welina aynu ku qarineyno guryahayaga.

Inkastoo dowladda soomaaliya ay maal iyo maskax badan ku bixisay la dagalka alshabaab iyo soo afjaridooda,hadda wali waxaa muuqda Falalka  Argagixisada ay geysanayaan.

Dedaalkii wadjirka ahaa marka laga yimado maxaa iska badalay Muqdisho sanad kadib? Tani waa su’aasha ugu badan oo ay iswediyaan shacabka soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibaddaba.

Waa hubaal in juhdi la galiyay amniga iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin malleeshiyaadka al shabaab balse weli lama gaarin bisayl iyo aragti mideysan oo ku aadan malleeshiyada Alshabaab.

Bisha aktoobar qaraxii soobe kaliya ma dhicin ee sanadkii 2011 xarunta hargaha iyo saamaha ayey ku xasuuqeyn qarax ay ku naf wayeeyn in ka badan boqol qof oo u badan arday imtixaan u gashay deeq waxbarasho.

Dhagarta iyo dabinada alshabab waa kuwo joogta ah  inta ay u geysteen ummada waxaa ka badan inta ay la dabacsan yihiin.

Waxaa u dambeyay labadii qarax ee ka dhacay baydhabo 13 bishan ee galabta oo ay ku nafwayeen shacabkeenna soomaaliyeed ee nabadda jecel.

Gunaanad Waxaana kooxdan Argagixisada looga guuleysan Kara wada jir iyo isku duubnaan.

W/Q:-Sharma’arke Maxamed Warsame

LEAVE A REPLY