Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex...

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa in Qof Muslim ah Masjid lagu dhex dilo?

SHARE

Muqdisho(SONNA);- Culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay sida ay Diinta Islaamka uga fog tahay in Guriga Alle (Beytka Alle) lagu dhex dilo qof Islaam ah oo ku gudanaya mid ka mid ah Waajibaadka Alle uu saaray.

Alle ha naxariisteen Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa Xalay Masjidka Sheikh Aweys waxay ku dileen Kooxo hubeysan isagoo Rakada Labaad ee Salaadda Cishaha ku jira.

Dhagar qabayaasha oo ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuum Xasan Cali Yuusuf waxay dhowr Xabadood kaga dhufteen Madaxa,halkaasina uu ku dhintay.

Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay dilka Foosha xun ee lagula kacay Alle ha u naxariistee Kormeere Labaad Xasan Cali Yuusuf ayaa sheegay inuu yahay mid ka baxsan Diinta Islaamka in ruux Muslim ah Beytka Alle lagu dhex dillo.

“Al-Shabaab waa Caammo,Waa Fikrad meel kale laga soo minguuriyay oo aynaan cilmi u lahayn,iyagiina caqli malahan,” ayuu yiri Sheikh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheikh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in Kooxaha dhagar qabayaasha ay doonayaan iney dadka ka go’yaan Masaajida si ay Allahooda abuurtay u caabudaan,wuxuuna cadeeyay iney tahay fal lagula dagaalamayo Diinta Islaamka.

Sheikh Abdul Baari,ayaa carabka ku dhuftay in Kooxaha Albaabada Masaajida qoryaha iyo Bastooladaha la taagan ee rabba iney muslimiinta dhibaateeyaan ogaadaan in Alle bari ka yihiin,Nabagiisa “NNKH”  bari ka yihiin,Diinta Islaamkana bari ka yihiin,islamarkaana maalinta danbeysa cadaab adag ay la kulmi doonaan.

Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kana hadlay dilkii Foosha Xummaa ee Kooxaha Nabad-diidka ay u geysteen Alle ha u naxariistee Xasan Cali Yuusuf oo ka mid ah Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay ineysan banaaneyn in Guriyaha Ilaahey oo ah meel aamin ah laga dhigo meel dadka lagu cabsi geliyo,dhiigiisa lagu daadiyo,dadka lagu laayo,wuxuuna ugu baaqay in Ilaahey ka baqaan oo ay joojiyaan dhiiga Muslimka ay Beytka Ilaahey ay ku daadinayaan.

Dadkii Saaladda kula tukanayay Alle ha u Naxariistee Kormeere Xasan Cali Yuusuf oo xalay kooxo hubeysan ay ku dileen Masjidka Sheikh Aweys ee degmada Xamar Jajab ayaa sheegay iney argagaxeen markii ay maqleen Xabad ka dhex dhaceyso Masjidka,iyagoona hadalkooda intaasi raaciyay iney lama filaan ku noqotay dilka.

LEAVE A REPLY