Dagaal ay ku dhinteen 6 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen oo...

Dagaal ay ku dhinteen 6 qof 18 kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay gobollak Sanaag

SHARE

Muqdisho(SONNA) Dagaalkan oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaday degmada Ceel-Afweyne ee gobolka Sanaag kaasi oo geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay 6 qof ayaa ku geeriyootay  18 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo shalay ilaa fiidnimadii xalay ka socoday halkaasi”sida uu sheegey guddoomiyaha maamulka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falaay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkaasi uu salka ku hayo muran ka dhashey dhul daaqsimeed, waxaana uu daba socda dagaal sanadkii la soo dhaafay gudihiisa uu halkaasi ku dhexmaray labadan beelood ee wada dega degmadaasi Ceel-Afweyne.

Waxaa soconaya dadaalo lagu joojinayo dagaaladaasi,waxaana ka qeybqadanaya maamulka gobolka kan degmada, culimaa’diin iyo qeybaha bulshada.

Dagaalkaasi ayaa saameeyey isu socodka iyo nolosha bulshada, waxaana jira barakac farabadan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY