Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka.

Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka.

SHARE

Baladweyne(SONNA):–Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

Janaraale Axmed Maxamed Tareedishe oo ah Taliyaha ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya Qeybta 52 oo wareysi  gaar ah siiyey warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in horjoogaha is soo dhiibey uu  kala soo baxsaday Kooxda Al-shabaaab labo qori iyo rasaas farabadan waxaana u sheegay in uu si nabad ah kusoo gaaray Xeradda ciidamadda.

 

Horjoogaha is soo dhiibay ayaa sheegay in uu u dulqaadan waayey falalka guracan ee naxariis daradda ah ee kooxda shabaab kula kacayaan shacabka Soomaaliyeed sidaana uu u go’aansaday in uu si cad uga soo horjeesto kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY