Madaxwayne Farmaajo oo goor dhow gaaray Magaalada Cadaado

Madaxwayne Farmaajo oo goor dhow gaaray Magaalada Cadaado

SHARE

Cadaado-(SONNA)- Madaxwaynaha J.F ee Soomaaliya Md: Maxamed  C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray  Magaalada Cadaado ee Xarunta Ku meel gaarka ah ee maamulka G/Mudug.

Safarka Madaxwaynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka munaasabadda Caleemasaarka ee Madaxwaynaha G/Mudug Axmed Ducaale Geelle

Madaxweyne Farmaajo ayaa  si diirran loo soo dhaweeyay waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Mr Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Munaasabada Caleema saarka ayaa xilligan ka socota xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada, wakiilada beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwaynaha G/Mudug ayaa La doortay 3dii bishaan, kadib markii uu xilkaasi horay isaga casilay C/Kariin Xuseen Guleed.

LEAVE A REPLY