R/wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado

R/wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado

SHARE

R/wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Wafdigaan ayaa u socda sidii Galmudug ay kala hadli lahaayeen dagaalada magaalada Gaalkacyo iyo qaabka ugu Haboon ee xal loogu heli karo.

R/wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wuxuu kula hadlay Warbaahinta Magaalada Cadaado wuxuuna sheegay inay la kulmi doonaan Masuuliyiinta kala duwan ee Galmudug.

Sidoo kale R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa lagu wadaa inay u gudbaan Magaalada Garowe halkaas oo iyana ay kula kulmi doonaan  Madaxda Puntland si xal loogu helo dagaalada magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY