Daawo Sawirro Qarax ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawirro Qarax ka dhacay Muqdisho

SHARE

MUQDISHO (SONNA) Gaari ayaa ku Qarxay Nawaaxiga Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidanka amaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii Waday Gaarigaan.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa SONNA u sheegay ka hor Qaraxa in ciidanku ay qabteen Gaariga iyo Ruux waday, markii danbana Gaariga uu Qarxay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in Qaraxa uu sababay dhimashada Hal Qor iyo dhaawaca Afar kale oo dhamaantood ahaa dad shacab ah, kuwaasi oo ka agdhowaa halka uu ku Qarxay Gaariga.

Ciidanka amaanka ayaa baaritaano ku wada ninka la qabtay ee waday gaariga, waxaana Saraakiisha Ammaanku sheegeen in ay heleen macluumaadka Gaariga, taasina ay sahashay wada shaqeynta Shacabka iyo Laamaha ammaanka.

14502832_1026645910781532_4359883554860189865_n 14502859_1026645827448207_5404602207280902370_n 14581318_1026645934114863_449305536594004329_n 14591572_1026645854114871_7187013356960137687_n 14606439_1026645817448208_5710115322977780374_n

LEAVE A REPLY