Xaquuq siinta agoonta xoogga dalka oo ka bilaabatay Galmudug

Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo Fulinaya Qorshaha Xukuumada ee Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Bilaabay Wajiga Koowaad ee Nidaamka Dhaxal Koobka kaa oo Suurta Galinaya in Agoonta Waalidkooda Ku waayay Difaaca Dalka la siiyo Xuquuqdoodi.

Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa magaalada Cadaado ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Q,27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska 21-aad ee Magaalada Cadaado.

Dowlada Soomaaliyeed oo Ahmiyad gaara siineysa Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Meel wanaagsan Marineysa Hab raaca Diiwaan Galinta Ciidanka iyadoo Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka ay Qayb muhiima ka Tahay Qorshaha Bixinta Xuquuqaadka Ciidanka oo ay Dowladdu Ku Guuleysatey.

Leave a Comment