Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah furtay ololaha ciribtirka cudurka Daacuun Caloolaha+sawirro

Muqdisho(SONNA) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa WHO, UNICEF iyo GAVI ayaa waxay biloowday Wareegga 1aad ee Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Drs. Fawziya Abikar Nur oo ay wehliyeen Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr. Mamunur Malik iyo Wakiil ka socdey UNICEF Dr. Mahboob Bajwa, Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cabdullahi Xaashi Cali,  Agaasimaha Isbitaal Banaadir Drs. Fartuun Shariif Maxamed ayaa si wadajir ah u daahfuray Wareegga 1aad ee Ololaha Tallaalka Daacuun Caloolaha oo laga fulin doono dalka oo dhan.

Ololahan  wuxuu qayb ka yahay heshiis ay dunidu ku gaartey in cudurka Daacuun Caloolaha la dhameeyo inta aan la gaarin sanadka 2030-ka, waxaana Tirada Dadka la Tallaalayo ay gaareysaa 659,922 qof oo da’doodu u dhaxayso 1-sano iyo wixii kaweyn.