Wasiirka  Awqaafta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Marka

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa gaaray magaalada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehliya socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Barbaalamaanka iyo saraakiil ciidan.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cali Cumar Jubba ayaa ku soo waramay in Wafdiga Wasiirka Awqaafta uu horudhac u yahay Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee la qorsheynayo in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.