Wasiir Goodax oo maalintii labaad kormeer ku tagay xarumaha uu ka socdo imtixaanka shaadiga”Sawirro”

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maalintii labaad kormeer ku tagay xarumaha uu ka socdo imtixaanka shaadiga ah dugsiga sare.

Wasiir Goodax ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya mudane Axmaed Xasan yuusuf iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi xasan Maxamed Xijaar iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada xukumadda DFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kormeer ku bilaabay iskuulka 15 may iyo jaamacadda city iyo xarumo kale oo ku yaala Gobalka Banaadir halkaas oo imtixaan ay u fadhiyeen ardayda dugsiga sare.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax bare ayaa waxa uu ardayda kala hadlay qeymaha ay leedahay waxbarashada iyo arday waxbartay iyo arday aan wax baran sida ay u kala wanaagsan yihiin.

"Maanta oo ah maalintii labaad ee imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ka socdo xarumihii loogu talagay waxaan  kormeer ku tagnay aniga iyo Taliye k xigeynka  Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Cabdi xasan maxamed  qeybo ka mid ah xarumaha imtixaanka uu ka socdo"ayuu yiri Wasiirka.