Wasiir Beyle oo ka war bixiyay shirka dib u habaynta dhaqaalaha+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan Todobaadle ah oo looga hadlayay dib u habaynta dhaqaalaha iyo hufnaanta maaliyadda ee barnaamijka deyn cafinta SMP.

Mudane; Beyle ayaa sheegay in deyn cafin iyo horumar dhaqaalaba ay tahay mid u wada taal Ummadda Soomaaliyeed, taas oo keentay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo.

“Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhammaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno, runtu waxa weeye, haddaan Soomaaliya wada dhisan weyno ogaada cidkale inooma dhisi doonto, ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dowladda Federaalka ayaa ku guda jirta dedaalladii ugu dambeeyay ee deynta looga saamixi lahaa Soomaaliya.