Wasaaaradda Awqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya “Viisaha xajka waxaa lagu bixin doonaa qaab electronic ah”

Muqdisho(SONNA) Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin doono qaab electronic ah halkii sanadihii hore dalka didibadiisa loo qaadi jiray.

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Soomaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa cadeeyay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Nuur ayaa ayaa sheegay in sanadkaan arimaha xajka dowlada ay aad uga shaqeysay isla markaana waxbadan kaga duwanyahay sanadihii hore.

Wasiirka diinta iyo Awqaafta wuxuu kaloo tilmaamay in la mideeyay qiimaha xujeeyda soomaaliyeed ku soo xajin doonaan.

Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ugu danbeyn sheegay ka warqabka xaalada xaajiga ay wasaarada isku xil saartay isla markaana wax badan laga qaban doona adeegyada aas aasiga ah Xaajiga.