Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed oo gaaray Jabuuti+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed , Janaraal; Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Maanta gaaray Dalka Jabuuti.

Taliyaha ayaa inta uu Jabuuti joogo waxa uu tababar u soo xiri doonaa Cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska oo halkaasi lagu leylinayay Bilihii lasoo dhaafay.

Jabuuti ayaa ka mid ah Dowladaha qeybta ka ah howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo sidoo kale door wnaagsan kaga jirta tababarka iyo qalabaynta Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya.

Leave a Comment