Taliska AMISOM oo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan baariska dilkii Almaas Elman

Muqdisho-(SONNA)-Taliska Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM ayaa war uu soo saaray ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka amaanka uu kala shaqeyn doono baaritaan buuxa oo lagu sameeyo dilkii nasiib darrada ahaa ee 20 kii Bishan loo geestay marxuumad, Elmaas Elman Ali, taas oo lagu dhex toogtay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa horay u shaaciyay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan dilka Almaas Elman oo ahayd nabad jire caan ah iyo Diplomaasiyad.

Hoos ka aqriso Warka kasoo baxay AMISOM

Leave a Comment