Tababar ku saabsan aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Bulshada ayaa Addis Ababa ugu soo dhamaaday Saraakiil ka tirsan HSJ iyo FIRA+ Sawirro

Addis ababa-(SONNA)-La- Taliyaha Sare ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Md, Mahad Cabdi iyo Khubaro ka socotay xarunta aqoonsiga Norway ayaa Maanta Magaalada Addis-ababa ugu soo xiray tababar Saraakiil ka tirsan hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo hay'adda aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Soomaaliyeed (Federal Identification Registration Agency). (FIRA).

Tababarkan oo soconayay muddo Todobaad ah ayaa lagu baranayay Casharro ku saabsan aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta Bulshada (ID and Civil Registration).

La-taliyaha sare ee HSJ Md, Mahad Cabdi, ayaa uga horreyn uga mahadceliyay xarunta aqoonsiga Norway (Norwegian ID Center) oo iyadu soo qaban qaabisay tababarkan ay Saraakiisha hay’addu qaateen.

Xatunta aqoonsiga ee Norway iyo la-taliyaha sare, ayaa ugu dambeyn si wadajir ah waxay Shahaadooyin  u guddoonsiiyeen Saraakiisha tababarkan loo soo xiray, iyagoo kula dardaarmay in Aqoonta ay ka kororsadeen muddadii Todobaadka ahayd ee ay ku guda jireen tababarka ay ku dabaqaan shaqooyinka ay ka hayaan xarumaha hay’adaha ay ka kala yimaadeen.

Waxanay sidoo kale uga baaqeen in ay uga faa’ideeyaan Saraakiisha kale ee aan tababarkan nasiibka u yeelan ee ay uga soo tageen xarumahooda shaqo.

Leave a Comment