Dowladda Soomaaliya : Ma jirto wada hadallo aan Soomaaliland kula yeelaneyno Nairobi

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inaysan jirin Wa jirin wadahadallo Soomaaliland kula yeelaneyso Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Dr; Nuur Diiriye Fursade, ayaa Boggiisa Twitter-kiisa  ku sheegay in ay Dowaladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadallo Miro dhal ah lala yeesho Soomaaliland, marka goobta, Ajendaha iyo ka qeyb galayaashuba lagu heshiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo, balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo Mira dhal ah in lala furo Somaliland, marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo,”ayuu yiri agaasimuhu.