Saraakiil ka socotay Madaxtooyada oo shir wada tashi la qaatay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Muqdisho (SONNA)- Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada oo uu hoggaaminayo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Ahna Agaasime Kuxigeenka Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmedkheyr Cali iyo dhammaan Agaasimeyaasha Wasaaradda.

Kulanku inta uu socday waxaa laga wada hadlay qorsheyaasha booqasho ee Madaxda dalka iyo marti qaadyada caalamiga, dadaallada martigelinta shirarka caalamiga ah iyo sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa hannaanka habmaamuska ee dowladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la wadaagay masuuliyiinta ka socotay Madaxtooyada ballamaha iyo booqashooyinka Madaxweynaha ee muddada soo socota, qorsheyaasha xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqeynta shaqaalaha Madaxtooyada iyo kuwa Wasaaradda ee ay shaqo wadaagga yihiin.

Kulankan dhinaca Madaxtooyada waxaa ka socday Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdi Cumar Cali, Agaasime Kuxigeenka Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirishiid Maxamed Xaashi.