Saraakiil ciidan oo booqday deegaanadii dhawaan laga xoreeyeey maleeshiyada Shabaab ee Sh/Hoose+

Muqdisho(SONNA) Saraakiil uu hogaaminayay S/guuto Sulub Axmed Firin taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqday qaar kamid ah degaqanadi dhawaan laga xoreeyey maleeshiyaadka Shabaab ee gobolka Shabeelada Hoose,halkaasi oo ay kula kulmeen saraakiisha ciidanka xooga dalka.

S/guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay Wakaaladda (SONN) ayaa ujeedka booqashadoda ku sheegay sidii ay u dhiirogelin lahaayeen ciidanka ku sugan furumaha dagaalka.

“Waxaan booqanaya goobaha ciidamadu ay ku sugan yihiin,Afgooye,Sabiib iyo Caanoole,waxaan la kulanay saraakiil iyo shacabka deegaanadaasi,ujeedkaynu waa in aan dhiirogelin u sameyno howlgalada ciidamadu ay wadaan,waxbadan ayaan aragnay o isbedel ah,adeegyadii bulshada oo dib u soo laabanaya iyo nolosha oo caadi ah,kadib markii kooxaha argagixisada laga xoreeyay deeganadaasi”. Ayuu yiri taliye Sulub,

Taliyaha ayaa ku ammaanay ciidamada halkaasi ku sugan oo difaaca shacabka,waxaana socdaalkiisu uu imaanaya iyadoo dhawaan maleeshiyaadka Shabaab laga xoreeyey deegaano hor leh.