Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Dhuusa-mareeb+sawirro

Dhuusa-mareeb(SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas  Nuur ku soo dhaweysay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirada Arrimaha gudaha,amniga,xildhibaanno labada gole ka tirsan, madaxa fulinta Galmudug, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo socdaalkiisa dhuusa-mareeb uu qeyb ka yahay qorshaha dhameystirka dadaallada horumarinta Galmudug, ayaa furaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo reer Galmudug ay uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad goboleed loo dhan yahay.