Ra’iisul-wasaara Khayre oo guddoomiyay shirka golaha wasiirrada dowlad gobaleedka Koonfur galbeed

Baydhabo-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed.

Mudane; Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha Wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

Mudane; Xasan Cali Khayre ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay wax qabadka ballaaran ee maamulkiisu qabtay intii uu xilka hayay iyo sida uu tusaalaha wanaagsan ugu yahay wada-shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa intaa ka dib kormeeray qaar kamid ah wasaaradaha  iyo Madaxtooyada Dowlad Gobaleedaka Koofur Galbeed, wuxuuna howl wadeennada wasaaraha ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan shaqada loogu adeegayo shacabka Koonfur Galbeed.