Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay

Bardaale.(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa u kuurgalaya Xaaladda dadkii ay saameeyeen roobabkii ka da’ay deegaanadaas.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bardaale waxaa kaga sii horreeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo ay si wadajir ah u booqdeen goobaha ay roobabku saameynta ku yeesheen.

Leave a Comment