Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari horey dil u gaystay.

Muqdisho-(SONNA)-26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir,Allaha unaxariiiste Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud

Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.

Isla xilligii  uu gaystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta C.Q, maalin kadib ayay garsoorayaasha ugu direen xabsiga dhexe eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhagaysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhagaysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Xafiiska xeerilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay  laba markhaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Laba markhaati oo Maxkamadda hor yimid ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka gaystay uu u muuqday mid isticmaalay wax yaabaha maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo dil toogasha ah.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn manta oo taariihdu tahay 2/9/2019 ayay Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ka soo saartay go’aan waxaana ay ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.wuxuuna intaasi raaciyay in maxkamadda go’aankeeda uu ka furan yahay racfaan muddo bil gudaheeda ah.