Madaxweyne Laftagareen oo amray in la soo qabto Dadkii ka dambeeyey dilalkii shalay ka dhacay Baydhabo

Baydhabo(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil sida la sheegay.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amray inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

“Kuwa dilalkan oo geysanaaya oo sida xun u fekeraayo waxaan leenahay hadii aad dhibta kula soo noqotaan shacabka,lama aqbalaayo,nin aan ka tirsanayn ciidanka qalabka sida dhinacyadoodi kala duwan,kuwa amniga sugaya waxa aan ka ahayn laguma arki karo magaalada,waxaana amar ku bixinayaa in la soo qabto dadkii ka dambeyeey dilalkii dhacay”.ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed.

Maalintii shalay ayaa dilal siyaabo kala duwan waxaa ay uga dheceen magaalada Baydhabo nawaaxigeeda,waxaana kamid ahaa dadkii la dilay AUN Cali Aaadan Marguus oo kamid ahaa ganacsatada deegaankaasi.