Madaxweynaha Puntland oo qado sharaf u sameeyay goleyaasha kala duwan ee Puntland “SAWIRRO”

Garoowe (SONNA) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan qado sharaf ah u sameeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, kulanka waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Sii-hayaha Xilka  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane, Nuur Ciise Maxamed , Xildhibaanada Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo, Aqoonyahano, Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa sheegay ujeedka kulanku inuu yahay xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona, si loo gaaro horumarka Puntland iyo in dadka la gaarsiiyo adeeygada dowliga ah ee asaasiga ah.

Wuxuu Mudane Deni dadka xasuusiyey dhismihii Puntland, dadaalkii iyo wakhtgii lagu bixiyey, wuxuuna ku baaqay ku adkeynta midnimada iyo ka shaqeynta amniga iyo horumarka Puntland.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Deni wuxuu u tacsiyadeeyay dhammaan dadkii ku geeriyooday dhacdadii dhowaan ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland, isagoo eebe uga baryey inuu janadii geeyo, eheladoodiina samar iyo iimaan ka siiyo, si gaar ah wuxuu u xusay Allaha ú naxariistee Marxuum Cabdikariim Dhegaweyne oo ahaa mulkiilihii xarunta Hida-raac oo kulanka qadada ah lagu qabtay.

 

 

Leave a Comment