Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo goordhow furmay

Muqdisho-(SONNA)- Waxaa Maanta oo Arbaco ah furmay kalfadhiga 5-aad, kulankiisa 25-aad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay fadhiga soo xaadireen 146 xildhibaan.

Kulanka ayaa lagu dhagaysan doonaa warbixintii ay soo gudbiyeen Guddiga xaqiiqo raadinta Gaalkacyo, Akhrinta 3-aad ee xisaab xirka miisaniyadda 2017-da, Akhrinta Labaad ee hindise sharciyeedka hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, qeybinta heshiiska ka mid noqoshada hay’adda dammaanada maalgashiga darafyada badan.