Ibtaada yaysan iil ku gayn

1da December sanad kasta caalamka waxaa laga xusaa ka hortagga iyo la dagaallanka cudurka HIV/AIDS, Sumadinta maalintaan waxaa go’aankeeda soo bandhigay ururka caafimaadka adduunka W.H.O, halka golaha guud ee Qaramada Midoobayna ay taageereen muhiimadda ay maalintaani leedahay , waxaana lagu soo saaray qaraarka tirsigiisu yahay 34/15,maalintaan waxay gaar u tahay wacyigalinta bulshada ee khatarta cudurkan leeyahay iyo sababaha ugu badan eek a qayb qaata faafitaankiisa.

Mar haddii maalintaan muhiimadeedu tahay in bulshada laga wacyigaliyo qatarta cudurkani leeyahay, waxaa laga maarmaan ah in wax ka baranno cudurkaan waxa uu yahay, sia loo kala qaado, iyo sida looga hortago.

1-Waa maxay cudurka HIV/AIDS?

HIV.Waa cudursidaha (Virus) ka dhaliya cudurka wuxuuna yareeyaa habka difaaca jirka(immune system), habka difaaca jirkuna waa ciidamada difaaca jirka, kana hortaga wax walba oo cudur ama dhibaato u keenaya qofka, HIV markii uu in  muddo ah jirka ku jiro waxaa ka dhasha( AIDS), xilligaa markii qofku gaaro waxaa qofka haleela cuduro kala duwan oo ka faa’idaysta dhibaatada soo gaartay habka difaaca jirka ee uu waxyeeleeyay viruska HIV.

waxa uu caan ku yahay cudurkan sanadada hore ee virsuku soo wareero jirka ma muuqdo waxa uu soo muqdaana sanado ka dib, cilmi baaris(researches) la sameeyay waxa lagu ogaaday in cudurkan jiritaankiisu soo bilaabmay dhamaadkii qarniga 19aad ila horaantii qarniga 20aad laguna arkay wadamo ka tirsan Afrikada Saxaraha ka hooseeya,AIDS iyo viruska sababa waxa la xaqiijiyay horaantii sideetanaadkii qarnigii hore ilaa iyo hadana daawo buuxda looma helin.

AIDSka daawooyinka loo qaato waxay yareeyaan oo kaliya faafitaanka  cudurka, dadka qaba cudurkaan ee qaata doowooyinka caawinta ama kaalmaatiga ah way la noolaan karaan cudurka waxayna noolaan karaan muddo dadka kale la mid ah.

 2-Waa maxay Farqiga u dhaxeeya HIV iyo AIDS?:-       

HIV: waa virus weerara unugyada loo yaqaan ( T) cells ee ah habka difaaca jirka.

AIDS: waa cudurka ka dhasha kadib marka in muddo ah virusku ku jiro jirka bukaanka,

 3-waa maxay calaamadaha iyo Astaamaha HIV/AIDS?

A-calaamadaha iyo astaamaha caabuqa wakhtiyada hore: dad badan oo qaba HIV ma yeeshaan astaamo muddo dhowr sano.

WaqtigaCalaamadaha soo if baxaan waxay socon karaan ilaa afar todobaad. Waxana ka mid ah caalamadaha caabuqa hore: Qandho,Qarqaryo,Laabato xanuun, Muruq xanuun ,cune xanuun,dhidid (gaar ahaan habeenkii),Qanjirro xanuun,Finan cad oo uu yeesho qofka, Daal,daciifnimo iyo Miisaanka qofka oo yaraada.

B-calaamadaha qarsoon ee caabuqa: ka dib markii astaamaha bilowga baaba'aan, ma jiri doono wax calaamado dheeri ah oo in muddo ah la arkayo,inta lagu jiro wakhtigaan Fayraska wuxuu ku howlan yahay burburinta habka difaaca jirka, hawlgalkani waxa uu qaadan kartaa ilaa 10 sano. Qofka qaba cudurka  ma laha wax calaamado ah oo lagu garto.

C- Cudurka marxaladda dabyaaqada ah : Calaamadaha iyo astaamaha dambe ee cudurka HIV lagu arko waxaa ka mid ah:Shuban joogto ah ama ama qufac qalalan oo muddo dheer socda, qandho heer kulkeedu gaarayo 37C,dhidid habeenkii ah, daal joogto ah neef qabatoon, qanjiro barar, miisaanka oo yaraada dhibco caddaan oo jirka ka soo baxa.

 4-Maxaa sababa cudurka HIV / AIDS?  

Cudurkaan wuxuu ka mid yahay cudurada faafa ee la isku gudbiyo, qaababka ugu badan ee uu ku faafo waxaa ka mid ah galmada, gaar ahaan tan xaaraanta ah,tan kale hooyadu waxay cudurkaan u gudbin kartaa cunugeedii xilliga dhalmada , uurka , iyo sidoo kale naas-nuujinta . (Transmission Blood) .

Waxaa ka mid qaababka uu cudurkaan ku faafo isticmaalka maandooriyaha sida wadajirka ah cirbadaha loo wadaago, halista ugu hoosaysa ee isu gudbinta HIV waa iyada oo dhiig aan la hubin lagu shubo qof caafimaad qaba ,

Fayraska HIV kuma gudbo Salaanta,Hindhisada, Taabashada maqaarka,             wada isticmaalka musqulaha , wadaagidda weelka wax lagu cuno iyo qaniinyada Kaneecada.

5-sidee lagu ogaan karaa Qofku inuu qabo HIV.

Waxaa lagu ogaan karaa dhiigga oo la baaro,baaritaankanka cudurkaan isbitaalada qaar waa lacag la’aan, qaarna waxay ku sameeyaan qiimo jaban, waxaadna ka heli kartaa dhamaan xurumaha caafimaadka ee cudurada faafa.

Markaad tagayso xurumaha caafimaadka ee cudurada la isqaadsiiyo, uma baahnid inaad u sheegto magacaaga ama aad qaadato kaarka caafimaadka. Waxaa kale oo aad baaritaanka dhiiga ee cudurka HIV ka heli kartaa dhaqtarka xaafadaada.

6-qaabkee loo daaweeya cudurka HIV/AIDS?

Saynisyahanno kulan laba dhawaan ku yeeshay magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa yididiillo ka muujiyay in dhawaan la soo bandhigi doono daawooyin loo adeegsan doono wax ka qabashada viruska HIV ee keena cudurka Aids.

Viraska HIV ayaa ku noolaada unugyadda jirka iskuna qariya,Waxa la aaminsanyahay in sida ay isu shabahayaan, unugyadda keena kansarka iyo viruska dhaliya Aidska ay gacan ka gaysan karto in wa laga barto waxna laga qabto HIV-ga.

Dhanka kale Saynisyahannada ayaa aaminsan in tani tahay horumar wanaagsan balse billow ah.

7-Sidee Cudurkaan looga hortagi karaa?

Si cudurkaan halista ah looga hortago waxaa muhiim in aan hirgalinno qodobadaan.

a- Wacyigalin joogta ah.

b-Qofka oo ku ekaada xeradiisa ama gurigiisa xalaasha ah.

c- dhiigga oo baaris lagu sameeyo inta aan qofka lagu shubin.

d- Saliingaha(Cirbadda)  qof  lagu duro in aan qof kale loo isticmaalin.

1da December waa maalin wacyigalineed, sidaa darteed waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi galiyo qatarka cudurkani leeyahay, sida loo kala qaado iyo in aan la takoorin dadka la nool, waxaana qormadayda ku soo gabagabaynayaa murtida Soomaaliyeed ee oranaysa (Ibtaada yaysan iil ku gayn).

W/D: Gobdoon

Leave a Comment