Madaxweynaha Golaha Sare ee Sudan oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimmo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Somalia u fadhin doona Sudan “Sawirro”

Khartoum (SONNA)- Madaxweynaha Golaha Sare ee Dawladda Sudan Mudane Cabdi-fitaax Al-burhaan ayaa Waraaqadaha Aqoonsiga Safiiirnimmo ka guddoomay Danjire  Maxamed Isxaaq ibraahim, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Safiirka ayaa  markii laga guddoomay warqadihiisa Aqoonsiga waxa uu u mahad-celiyay Madaxweynaha Golaha Sare ee Dawladda Sudan Mudane Cabdi-fitaax Al-burhaan , waxaana uu gaarsiiyey Salaan uu kaga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Danjire Maxamed  Isxaaq Ibraahim ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan in si hagar la'aan ah ay ula shaqeeyaan, si  ay isaga kaashadaan kor u qaadista Sharafta  qeybaha kala duwan Soomaalida ku dhaqacan Dalkaasi .