Gabar Soomaaliyeed oo xildhibaan ka noqotay Degmo ka mid ah Maraykanka

USA-(SONNA)-Safiya Khaalid ayaa noqotay Gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ka mid noqata Golaha degaanka Magaalada Lewiston, Gobolka Maine ee Dalka Maraykanka.

Gabadhan oo ah 23 jir kuna gashay Dalka Mareykanka 7 Sano jir ayaa warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay caqabado badan kala kulantay xiligii ay ku jirtay ololaha doorashada.

Markii ay guulaystay waxay u mahadcelisay Ummadda Soomaaliyeed iyo Warbaahinta Qaranka oo qeyb weyn ka qaatay olaleheeda doorasho.

Safiya , ayaa sheegtay in dhanka Waxbarashada ay wax badan ka baddeli doonto, taas oo ay dhibaato fara badan ku qabaan Dadka soo galootiga ah ee ay Soomaalidu ka mid tahay.

Leave a Comment