Ciidanka Xoogga Dalka oo Baardheere kasameeyay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo lagu baacsanayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab ka sameeyay degaanka Raydab oo qiyaastii 40-Km dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Taliyaha Ururka 49-aad, Guutada 10-aad, qeybtiisa 43-aad ee Ciidanka XDS Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay howl-galka ku dileen xubno badan oo ka mid ahaa Al-Shabaab, kuwo kalena ay nolol ku soo qabteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Argagixisadu ka furatay Hub iyo Ari gaaraya Saddex Boqol oo ay horay uga dhaceen Shacabka halkaasi deggen, iyagoo Xoolahihii ay ka dhiciyeenna u celiyay Dadkii lahaa.