Ciidamo Boolis ah oo la geeyey Degmadda Matabaan ee Gobolka Hiiraan “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidamo Booliis ah geeyey Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana hadda si toos Howlihii Shaqo u bilaabay Saldhigga Booliiska Degmadaasi, si Bulshada loogu Adeego.

Ciidamada Halkaasi la geeyey ayaa ah Kuwo ku filan Suguda Amniga Degmadaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha Taliska Ciidanka Booliska.

Siddeed maalmood ka hor ayey Dawladda Soomaaliyeed si rasmi ah ay ula wareegtay gacan ku heynta degmada Matabaan, kadib muddo ay halkaasi maamulayeen Ahlu-suna oo Dawladda ku biiray.

Leave a Comment